Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyada Ciida u diray Bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Bilashada Ciida oo Bari ku beegan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mahad ciliyay dhamaan ciidamada iyo shacabka isaga oo ugu baaqay in amaanka la sugo.

Maalinta bari ah ayaa munaasabada dabaaldaga Ciidul Fidriga ay ka dhaceeysaa Guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho