Hogaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubeyda oo laga helay cudurka Kansarka

Warbixin uu daabacay  Wargeyska The Star ayaa lagu sheegay in ay liidato Xaalada Caafimaad ee hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Abu Cubeyda oo la Xaqiijiyey in uu la ildaran yahay Cudurka kansarka oo Caloosha ka asiibay.

6-dii bilood ee la soo dhaafay ayaa la Sheegay in Xaalada Hogaamiyaha Al-shabaab ay ka soo daraysay, waxaana Wararku ay tilmaamayaan  in Cudurka kansarka  uu  ku sii fidayo  Qeybaha kala duwan ee gudaha Calooshiisa, sida uu Xaqiijiyey Wargeyska The Star oo baaritaan ku sameeyey wararka la Xiriira Xaalada Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda ayaa hada u muuqda in uu yahay mid ka rajo dhigay in uu sii hayo Xilka ugu sareeya Al-shabaab oo uu qabtay sanadkii 2014-kii  kadib markii  duqeyn lagu dilay Hogaamiyihii ka horeeyey  ee Al-shabaab Ahmed Cabdi Godane.

Wargeyska ayaa sidoo kale  Sheegay in Abuu Cubeyda Mudooyinkii danbe uusan Wax saameyn ah ku la heyn talada iyo dhaqdhaqaayada  Al-shabaab kadib markii Cudurka dilaaga ah ee  kansarka oo Caloosha uga dhacay uu soo ritay.

Ku-xigeenadda  Hogaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubeyda ayaa la Wareegey howlihiisa si ay isku hayahaani Qeybaha kala Duwan ee Ururka ilaa inta laga Xaqiijinayo in uu geeriyooday.

Warbixintaan uu soo saaray Wareyska the star ayaa lagu sheegay in Xubnaha Golaha Shuurada Al-shabaab ay labo u kala Jabeen kadib markii ay sii Xumaatay Xaaladda Caafimaad Abuu Cubeyda, kuwaasi oo qaarkood ay dalbadeen in Xilka laga qaado islamarkaana la soo magacaabo hogaamiyaha Cusub ee badalaya Cubeyda.

Dhanka kale Wargeyska The star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa Xusay inay Xubnaha Al-shabaab ee ka soo jeeday Qabaa’ilka Hawiye ay Hogaamiye u magacowdeen Hassan Fiidow oo galaya booskii Abuu Cubeyda halka Xubnaha ka soo jeeda Qabaa’ilka Daarood ay dalbadeen in waqtigaaban talo lagu soo Magacaabo, hogaamiye Cusub oo la Wareegay Hogaanka Al-shabaab, Taalbooyinkaas oo sii kala fogeeyey labada garab ee Al-shabaab.

Warbixintu ayaa  intaas ku siidaraysa in Mahat Karate oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka Al-shabaab uu isku dayey in uu Afganbi ku la  wareego Hogaanka Al-shabaab.

Abuu Cubeyda ayaa lagu Tilmaamayaa  in uu yahay nin  aan Mayal adkeyn,sida  Hogaamiyaashii Al-shabaab ee ka horeeyey, taasi oo ka dhigan in uu yahay shaqsigii ugu Hogaanka Xumaa ee soo Mara Al-shabaab.

Wixii ka danbeeyey Xasuuqii 14-kii Oktoobar Sanadkii 2017, ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho waxaa soo baxayey Warar Sheegaya in uu Xanuunsan yahay Hogaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubeyda, waxaana soo Ifbaxay Khilaaf soo kala dhexgalay golaha Shuurada Al-shabaab.

Dowladdaha Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda oo ah wadamada ugu badan  howlgalka AMISOM ayaa Ciidamadooda  ku Taageeray dib u soo celiyo Xasiloonida Soomaaliya iyo in Meesha laga saaro Xarakada Al-shabaab.

Halkaan ku Dhufo oo Aqriso Warbixinta uu Warkeeyska Qoray

PUNTLAND POST