Qarjab: Puntland maxay Somaliland kala hadlaysaa!

Wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe uga hadlay,saddex arrimood oo ku saabsan colaadda Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan gobolka Sool.

Wasiirka ayaa ugu horrayn sheegay, in Puntland ay ku jirto dagaal xaq ah oo lagu difaacayo sharafta iyo karaamada shacabka,sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna dadweynaha reer Puntland ee gudaha iyo debadda ku boorriyay in ay ciidamada difaaca ku garab istaagan dagaalka.

Cabdi Xirsi Cali(Qarjab),Wasiirka Warfaafinta ayaa dhinaca kale caddeeyay in Puntland aysan wax wada-hadal ah ka geli doonin xuduudaheeda Dastuuriga ah,islamarkaana aysan jirin wax laga wada-hadlo inta Somaliland ku sugantahay taako kamid ah degaannada Puntland.

Qarjab oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in khasaare ka ballaaran kii hore uu ka dhalan doono colaadda gobolka Sool,haddii aysan Somaliland si deg deg ah uga bixin dhammaan degaannada ay ka joogto gobolkaasi.

Halkaan ka daawo muuqaalka Wasiirka.

PUNTLAND POST