Madaxweyne Framaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Belgium

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Nihon

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Dowladda Belgium usoo magacowday Soomaaliya Nicolas Nihon.

Madaxweyne Farmaajo ayaa war bixin kooban ka siiyay danjiraha cusub Dowladda Belgium usoo magacowday Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, wuxuuna u rajeeyay  Danjire Nihon in uu kaalin mug leh ka qaato adkeynta xiriirka labada dal.

Nihon oo ah Danjirihii ugu horreeyey ee Belgium ay u soo magacawdo Soomaaliya ayaa Madaxwweyne Farmaajo u gudbiyey salaan uu uga siday Boqorka dalkaas Philippe Léopold, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay in xiriirka labada dal uu noqdo mid joogto ah oo ku dhisan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Belgium iyo Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in Belgeum iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican, wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Dalka Belgeum oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub ayaa bishan June dhamaadkeeda marti gelin doona shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST