Dab ka kacay caawa xarunta Agoomaha ee magaalada Garoowe.

Waxaa lagu guulaystay in la damiyo dab ka kacay abaaro salaadii maqrib caawa xarunta Agoomaha ee ku taala magaalada Garoowe sidey u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTLAND POST masuuliyiinta dowladda hoose ee Garoowe.

Dhismaha xarunta agoomaha oo u qaabeysan qaab kala googo,an ayaa sahashay inaanu dabku ku faafin qeybaha kale ee xarunta islamarkaana aanu imaan alle ka sokow khasaare nafeed marka laga tago guri keyd u ahaa oo ay tiilay alaabta ay ku seexdaan caruurta Agoonta iyo mid ka mid ah guryahooda jiifka.

Maamulka xarunta Agoomaha ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay fasax ku maqan yihiin caruurtii lagu xanaanayn jiray xaruntaas, islamarkaana lama oga waxa uu ka kacay dabkani, waxayna sheegeen guryaha gubtey inay ahaayeen kuwo xiran, sida ay sheegeen maamulka xaruntaas.

Gurmad ay sameeyeen dad shacab ah iyo qaar ka mid ah shirkaddaha magaalada Garoowe waxaa aakhirkii lagu guulaystey in la bakhtiiyo dabka ka kacay xarunta agoomaha ee magaalada Garoowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.