CC WARSAME oo Sharaxay Sababta ku Kaliftay in uu mucaarado Dowladda Dhexe ee Somalia

Muqdisho (PP) ─ C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo ka tirsan madaxda Xisbiga mucaaradka ah ee WADAJIR oo ka mid ahaa tro xisbiyo ah oo Xamar lagu guddoonsiiyay shahaadooyinka aqoonsiga, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sabatka uu mucaaradka ugu yahay Dowladda Dhexe ee Somalia.

Warsame oo ku sugan Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay sameysay ballan-qaadyo fara badan oo aan la fulin illaa iyo hadda.

Sidoo kale, CC Warsame ayaa soo qaatay tusaalooyin dhawr ah kuwaasoo uu ku cabirayay hab-dhaqanka dowladda, isagoo ka xusay in ballan-qaadkii ahaa in qofkii soo sheega Al-shabaab la siinayo 100-kun oo doollar iyo sidoo kale xiritaannada waddooyinka Muqdisho iyo dhismaha ciidamada.

Mas’uulkan mucaaradka ah ayaa wuxuu kaloo xuay in marna aysan faham-saneyn mucaaradnimada waxay tahay, balse iyaga ujeeddadoodu ay tahay in shaqada ugu horreysa ee la qabto inay noqoto fulinta ballan-qaadyadii la sameeyey, taasna ay tahay la-xisaabtanka madaxda la doortay.

Dhanka kale, Warsame ayaa tilmaamay in shacabka ay u furan tahay inay saxaan dwladda haddii ay jiraan khaladaadyo ay ku kacayso, si looga gudbo in qof walba uu ka baxo balan qaadka uu sameeyey marka uu guuleysto.

Ugu dambeyn, C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Dowlad walba oo ka dhisan dunida ay leedahay mucaarad iyo muxaafad, balse dalka Somalia aad mooddo in mucaaradka loo arko cadow, halkii laga arki lahaa xubno doonaya in khaladaadka jira ay saxaan.

Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka C/raxmaan C/shakuur Warsame;

 

PUNTLAND POST