Madaxweynaha Jubaland oo booqday degaanno laga qabsaday Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland,Axmed Maxamed Islaam oo boqasho ku tegay degaanka  Gosha oo ay howlgalka ka wadaan ciidamada Jubbaland iyo Federaalka ayaa bogaadiyay hawlgallada  ciidamadu Al-shabaab uga saarayan dhulka weli gacantooda ka harsan

Mudane. Axmed Madoobe ayaa  booqashadiisan ku maray dhulka ay ku dagallameen ciidamada Soomaalida  iyo Al-shabaab,waxaanu ku amaanay ciidamada hawgallada ka dhanka ah malayshiyaadka Al-shabaab oo la sheegay in halkaas laga saaray.

madaxweynaha Jubbaland ayaa intii uu ku jiray booqashadiisa kulan la qaatay Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa isagoo ku boorriyay in ay laba jibaaran dagaalka lagu xoraynayo degaannada weli AL-shabaab gacanta ku hayso.

Wuxuu sheegay in wax walba oo taakulo ah loo dhamaystiray ciidamada islamarkana hada ay si hagar la’aan ah u gudanayaan howshii loo igmaday,isagoo dhinaca kalena saraakiisha ciidamada ugu baaqay in shacabka iyo dadka maatada ah loo turo inta uu dagaalku socdo.

PUNTLAND POST