Debad-baxyo looga horjeedo waddooyinka xiran oo Muqdisho ka socda

Bannaan-baxyo looga horjeedo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay maanta ka socdaan isgoyska 4km iyo waddooyinka ku xeeran.

Wadayaasha mootooyinka Bajaajta oo halkaas isugu soo ururay ayaa kala xannibay isu-socodka  gaadiidka dadweynaha,waxaana ciidamada Amniga Muqdisho ay isku dayayaan in ay xoog ku kala cayriyaan debad-baxayaasha,sida ay wararku sheegayaan.

Qaar kamid ah wadayaasha mootooyinka Bajaajta oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan,waddooyinka xiran ee magaalada iyo sababta loo fulin waayay amarkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo dhammaan waddooyinka xiran ee magaalada.

Wadayaasha ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ay subaxii oo keliyaha waddooyinka furaan,balse ay galabtii  dib u xiraan,waxayna ku adkaysanayaan in aanay debad-baxyada joojin doonin ilaa dalabkooda loo fuliyo.

PUNTLAND POST