Turkiga oo tababar u soo xidhay in ka badan 60 saraakiil Soomaali ah.

Dowladda Turkiga ayaa dalkeeda tababar ugu soo xidhay saraakiil iyo saraakiil xigeen oo Soomaali ah,kuwaasi oo in muddo ah waddanka Turkiga ku baranaayay casharo ku saabsan xeerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamadu ay leeyihiin.

Tababarkan oo socday mudda bil iyo dhowr cisho ah ayaa  loo qabtay in kabadan 60 saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo Soomaali ah,waxaana ay tababarada la qaateen askar ka socotay Gaashaanbuurta NATO iyo kuwo kale oo ka yimid Afrika iyo Qaaradaha Assia.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada,iyadoo askar badan tababarro ay ku soo qaateen dalkaasi.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST