Puntland oo gargaar gaarsiiyay Beledweyne

Dowladda iyo shacabka Puntland ayaa gargaar raashin ah maanta gaarsiiyay dadweynaha  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaasoo ay ka jirto xaalad banii’aadnimo oo ka dhalatay fatahaaddi webiga Shabeelle ka sameeyay gobolka Hiiraan.

Kolonyo gaadiid ah oo siday gargaarka ay dirtay dowladda Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne,waxaana deeqda loo qeybiyay 1550 qoys  oo ay hanti iyo hoy’ la’aan dhigtay fatahaadda webiga shabeelle,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa shacabka iyo xukuumadda Puntland uga mahadceliyay gargaarka walaalnimo ee ay gaarsiiyeen dadka ku hanti belay fatahaadda ee haatan la tabaalaysan dhibaatadii halkaas ka soo gaartay.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST