Nin iyo Xaaskiisa oo lagu Dilay Gobolka Baay

Sida uu sheegay gudoomiyaha dagmada Awdiinle ee Gobolka Baay Cali Xuseen Cali xalay afurkii kadib  rag hubeysan ayaa gudaha dagmada  waxa ay ku dileen nin iyo xaaskiisa oo caruur isku dhalay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay  in haweeneyda iyo seygeeda ay ahaayeen ganacsato balse uusan  garaneynin  sababta loo dilay wuxuuna sheegay in  marxuumiinta  ay ka tageen caruur oo hada ay hayaan qaraabadooda .

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay balse maamulka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan ciidamada oo ay rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan sida gudoomiyuhu sheegay.

Dadka deegaanka Awdiinle ayaa dhacdadan ku reebtay uur kutaalo waxayna ehelada marxuumiintan la dilay ay ka dhaxli karaan cawaaqib caafimaad iyo mid maskaxeed intaba .

Waxaase ehelada lamaanahan la dilay ay ku niyad qaboowsan lahaayeen hadii cadaalada la horkeeni lahaa gacan ku dhiglayaashii ka dambeeyay falkan dilka ah walise majirto cid loo soo qabtay dhacdadan iyo cid sheegatay masuuliyadeeda.

PUNTLAND POST