Mareykanka oo Qirtay in Askari looga Dilay Gudaha Somalia kuwo kalena la Dhaawacay

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in askari ka tirsan ciidamadeeda ku sugan Somalia lagu dilay weerar ka dhacay meel ku dhaw degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sidoo kalena askar kale looga dhaawacay isla weerarkas.

Weerarkan ayaa la sheegay inay sidoo kale waxyeello kasoo gaartay askar ka tirsan ciidamada Somalia oo caawinayay kuwa Mareykanka, Waxaana Askarigan Mareykanka ee Somalia lagu dilay uu noqonayaa kii labaad oo Al-shabaab ay ku disho Soomaaliya tan iyo 1993-kii oo Muqdisho ay uga dhinteen Somalia 18-askari, waxaana askariga labaad lagu dilay Somalia bishii May ee sannadkii hore.

“Waan la murugoonayaa, Waanan u duceynayaa Qoysaska uu Askarigii lagu dilay Somalia ka baxay iyo ay ka dhaawcmeen askarta kale,” ayuu Trump ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Ciidamada weerarkan ku dhaawacmay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay inay gaarayaan shan askari, kuwaasoo kala ahaa afar Mareykan ah iyo hal askari oo Soomaali ah.

Sidoo kale, Wasaarada Gaashaandhigga Mareykanka oo ka hadlay weerarka waxyeelladu ay kasoo gaaray askartooda ayaa sheegtay inay ciidamada DF gacan ku siinayeen weerar ka dhan ah Al-shabaab oo laga fuliyay deegaan ku dhaw degmada Jamaame oo qiyaastii 350-km dhanka Koonfureed kaga beegan Muqdisho.

Mareykanka ayaa waxaa Somalia kaga sugan ku dhawaad 1,000 askari oo gacan siinaya ciidamada Somalia, kuwaasoo intooda badan ah tababarayaal ku sugan saldhigga ciidamadii Cirka Sooamaliya ee Balli-doogle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bogaadiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ciidamadooda ka wadaan dalka Somalia, isagoo sheegay in hawlgalladooda ka dhanka ah kooxdan xiriirka la leh Al-qaacida ay sii socon doonaan.

Ugu dambeyn, Weerarkan lagu dilay Askariga Mareykanka ah, tirada kalena lagu dhaawacay ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor ay Ciidamada Somalia sheegeen inay burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaanno ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan agagaarka Magaalada Kismaayo iyo Degmada Jamaame.

PUNTLAND POST