Madaxweynaha Somalia oo amar ku bixiyay in la furo waddooyinka xiran ee Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Hay’adaha Amniga faray inay shacabka u sahlaan isku socodka magaalada oo maalmihii dambe ay shacabku dhib ku qabeen, kaddib markii ciidamadu xireen jidad muhiim ah.

Wadooyinka xiran ayaa intooda badan ahaa kuwo muhiim u ah isku socodka guud ee shacabka Muqdisho, waxaana dadweynuhu ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen sidii ay ku gaari lahaayeen xaafadahooda iyo goobahooda shaqada.

“Hay’adaha Amniga waxaan farayaa inay shacabka u sahlaan isku socodka magaalada, waddooyinka xiranna loo furo. Nabaddu waxay ku Timaaddaa wada-shaqeyn dhex-marta shacabka iyo ciidamada Amniga. Shacabkana waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada,” ayuu Farmaajo iyo ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale, Baraha bulshada ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay hareeyay doodo ku aaddan Xirnaanshaha Waddooyinka oo dadka meelaha qaar laga celinayo, Gaadiidkana lagu amrayo inay kala wareegaan, waxaana cabashada shacabka ay timid iyadoo loo diyaar-garoobayo maalmaha Ciidul Fidriga ee foodda nagu soo haya.

Madaxweyne Soomaaliya, Farmaajo ayaa la xusuustaa in markii uu ku jiray oloihiisii doorashada in khudbaddi uu ka jeediyay baarlamaanka Somalia uu ku ballan-qaaday inaan Waddooyinka la xiri doonin, Awoodda Dowladduna aysan shacabka ku caburin doonin awood, laakiinse waxaa la is-weydiinayaa waxa ka dhaqan-galay ballan-qaadkaas.

Dhanka kale, Waxaa muuqata inay sii kordheen caburinta shacabka iyo in la xirayo jidadka markii la doono, iyadoo la xiray min jid cadde illaa Laami, waxaana dadka reer Muqdisho ku noqday magaalada xabsi kor ka xiran.

Ugu dambeyn, Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa xiray dhammaan Waddooyinka soo gala Waddada Maka Al-Mukarama iyo Isgoysyada Wadada Wadnaha, waxaana dadka ay lugeynayeen meelaha qaar ee loo diido in lagu maro gaadiid.

PUNTLAND POST