Hay’ado cusub ka faa’iideysan doona Mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland

Shir ballaaran oo looga arrinsanayey barnaamijka dib u qaabaynta iyo dib u casriyaynta Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Puntland oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda Shaqa iyo Mashruuca tayanta shaqaalaha ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland.

Waxaana kasoo qayb galay kulanka 20 kamid ah xarumaha dawladda oo isugu jira Wasaaradaha iyo Hay’adaha madax bannaan ee dawladda Puntland kuwaas oo dhammaantood lagu samayn doono dib u qaabayn si’ay u noqoto mid la jaanqaadi karta nidaamka cusub ee hay’adaha dawladda.

Dhammaan hay’adahaan dib u qaabayn lagu samaynayo ayaa mid walba waxaa dib loo raacayaa xeerkii lagu aas-aasay si loo kala saaro waajibaadka shaqo ee hay’adaha dawladda isla markaana ay shaqadu u noqoto mid kala qeexaan.

Kaddib marka ay soo dhammaato barnaamijkaan dib u qaabaynta ayaa waxaa la qorshayn in qaar kamid ah 20-kaan hay’adood ay qayb noqon doonaan hay’adaha ka faaiideysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalah ee CIP.