Foolkano ka qarxay Guatemala oo waxyeelleeyay in ka badan 1.7 malyan oo ruux

Mas’uuliyiinta dalka Guatemala ayaa sheegay in ugu yaraan 70 ruux ku dhimatay,in ka badan 190 kalena lagu la’yahay foolkaano weyn oo Axaddi ka qarxay gudaha dalkaasi.

Foolkaanaha oo la magac baxay Fuego   ayaa la sheegay in uu saameeyay dad kor u dhaafaya 1.7 malyan oo qof,islamarkaana uu burburiyay tuuloooyin badan  oo saarnaa dhulka taagagga ah,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Guatemala.

Dad gaaraya 3000 oo ruux ayaa laga daad-gureeyya degaannadii ay ku noolaayeen,waxaana foolkanahan lagu qiyaasay ilaa 10km oo hawada sare ah in uu gaaray.

Shaqaalaha wax badbaadiya ayaa sheegay in ay raadinayan dad badan oo weli halkaasi lagu la’yahahay.

PUNTLAND POST