Xubnaha gobolada SSC ku matala Federaalka oo war ka soo saaray Colaadda Sool

Mas’uuliyiinta Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jira gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn ayaa cod midaysan ku sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin dagaalka ay dowladda Puntland ku soo celinayso degaannada ay Somaliland ka haysato goboladaasi.

War-murtiyeed ka kooban sagaal qodob oo ay soo saareen xubnaha Golayaasha dowladda Federaalka ku matala gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn ayaa lagu caddeeyay in uusan jirin heshiis ay dadka degaannadaasi kula midoobeen maamulka Somaliland oo ku saabsan kala goy’nta qaranka Soomaaliyeed.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in maamulka Muuse Biixi uu xadhig,cabudhin iyo bahdil ku hayo saxaafadda,maatada,iyo dadka jilicsan ee gobolka Sool,islamarkaana u diiddanyahay rabitaankooda ku aaddan midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xubnahan ayaa ka digay in haddii uu sii socdo tacaddiga lagu hayo dadka reer Sool ay ka dhalan karto,caaqib xumo iyo dagaallo lagu raagta.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jira gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin dagaalka ay dowladda Puntland ku soo celinayso degaannada ay Somaliland kaga sugantahay,Sool,Sanaag iyo Cayn.

Shacabweynaha goboladaasi ayaa dhankooda loogu baaqay in garab istaagan dowlada Puntland,si ay ugu fududaato soo celinta degaannada maqan.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta ayaa Beesha Caalamka uga digay in aysan keenin talo aan xal nabadeed ka dhalan doonin,waxayna codsadeen in gurmad ballaadhan la gaarsiiyo dadka ku bara-baxay colaadda gobolka Sool.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar