Puntland oo soo bandhigtay 41 meyd oo ka mid ah Alshabab-ta buuraha Galgala.

Warbixin kasoo baxdey taliska Bosaso Ciidamada Amaanka Puntland (PSF) ayaa lagu soo bandhigay muuqaalka iyo sawirada meydadka 41 nin oo la sheegay inay ka mid yihiin maleeshiyaad habeen ka hor weerar gaadmo ah kusoo qaaday saldhig ciidanka badda Puntland (PMPF) ay ku leeyihiin deegaanka Bali Khadar ee buuraha Galgala

Saraakiisha ciidanka PSF ayaa shalay warbaahinta u sheegay inay dilleen 41 ka mid ah kooxda Alshabab ka dib markey dagaal kula galeen togga Majare halkaas oo ay sheegeen inay uga daba tageen galinkii dambe ee shalay maleeshiyaadkii Alshabab ee habeen horre soo weerarey saldhiga ciidanka Puntland ku lahaayeen deegaanka Bali Khadar.

Dagaalka dhexmarey cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland iyo shababta ku dhuumalaysta buuraha Galgala ayaa imaanaya xilli maalintii shalay si weyn looga hadal hayay deegaanada Puntland iska hor imaadkii habeen ka hor ka dhacay deegaanka Bali Khadar oo la sheegay in ciidanka Puntland looga burburiyay mid ka mid ah saldhigyadda ay ku leeyihiin buuraha Galgala.

Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhaw 9 sano dagaal kula jira deegaano ka tirsan buuraha Silsiladda Golis kooxo ku dhuumalaysta godad iyo buuro halkaas ku yaala oo ah maleeshiyaad ka kala tirsan ururada islaamiga ee Daacish iyo Alshabab oo ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Daawo muuqaalladda.

Bosaso

PUNTLAND POST