Madaxweyne Gaas oo u ambabaxay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Koonfur galbeed.

Madaxweyne Gaas ayaa magaalada Baydhabo kaga qayb geli doona shir u dhexeeya Dawlad gobaleedyada Dalka iyo madaxda sare ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waftiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee General Maxamed Abshir kusii sagootiyey qaar kamida golayaasha Dawlada.

Madaxweynaha Puntland waxaa magaalada Baydhabo uga sii horeeyey qaar kamida madaxda maamulada ka jira Soomaaliya iyo raisul wasaaraha Dawlada Federaalka Mudane Xassan Cali Khayre.

PUNTLAND POST