Kooxo hubaysan oo weerarey saldhig ciidanka Puntland ku leeyahay buuraha Galgala

Dagaal culus ayaa caawa ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Alshabab ku dhexmarey deegaanka Bali khaddar oo ku yaala buuraha ku teedhsan silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Wararka soo gaaraya Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya dagaalka labada dhinac oo socday dhawr saacadood oo xiriir ah inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh wallow aan si rasmiya loo ogeyn baaxadda uu le,eg yahay madaama dagaalku dhacay xilli habeen ah.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo telefonka kula hadlay warqabadka PUNTLAND POST ayaa u sheegay afurkii salaada maqrib ka dib inay soo weerareen maleeshiyo ka tirsan kooxaha ku dhuumalaysta buuraha Galgala islamarkaana ciidanku iska difaaceen.

Saraakiisha ayaa ka gaabsadey inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha dhinacooda soo gaarey,madaama xilligu habeen yahay, waxaana warar madax banaan sheegayaan dagaalka caawa dhacay inuu ahaa mid culus oo saacado xiriir ah socdey.

Sanadkii hore 17-kii bishii Ramadaan oo ku beegan caawa oo kale Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo khasaare badan dhaliyay ku qaaday saldhig ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur.

Puntland waxay in ka badan 20 saldhig oo ciidan ku leedahay deegaano badan oo ku teedhsan buuraha Silsiladda Golis, oo in muddo ah kooxo ka tirsan Alshabab  iyo Daacish ay ku dhexmareen dagaalo iyo iska hor,imaadyo.

Bosaso

PUNTLAND POST