
Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee (PSF) ayaa maanta hawlgal qorshaysan ku dilay in badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
Hawlgalkan oo laga fuliyay degaanka Majare ee buuraha Calmadow ayaa jawaab u ahaa,weerarkii xalay malayshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Badda Puntland ee togga Balli-khadar,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF.
Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee xalay weerarka soo qaaday,sidoo kalena lagu dhaawacay 32 kale.
Qoraalka ka soo baxay PSF ayaa lagu caddeeyay in ay sii soconayan hawlgallada lagu baacanayo Al-shabaab ilaa iyo inta laga cirib-tirayo guud ahaan degaannadaasi.
PUNTLAND POST