Tababarihii kooxdii ku guuleysatay Koobkii Horyaalka Yurub oo shaqadii ka tagay


Madrid (PP) ─
Tababarihii kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ayaa isaga tagay shaqadii, isagoo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu shaqada tababarrenimo sii wado sannadka soo socda.

Zinadine Zidane oo ahaa tababare aad u wanaagsan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Kooxda Real Madrid ee Dalka Spain, ayaan hadalkan kasoo yeeray wuxuu layaab ku noqoday dhammaan taageerayaasha kooxda Real Madrid.

Sidoo kale, Zidane oo noqday tababaraha keliya ee ku guuleystay Saddex jeer oo isku xigta koobka UEFA Champions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa waxaa is-casilaaddiisan goobjoog ka ahaa Florentino Perez o ah guddoomiyaha kooxdan.

Florentino Perez ayaa isagana dhankiisa warbaahinta u sheegay in ninka reer France [Zidane] isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo Garoonka Santiago Bernabeu maalmo kaddib markii ay kooxdu ku guuleysatay koobkii 13-aad ee UEFA Champions League.

“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad aan kooxda ku dhiso oo aan uga dhigo koox awood leh, isla markaanka ku guuleysatay koobab badan,” ayuu Zidane ka sheegay shirkiisa jar’aaid.

Dhanka kale, Florentino Perez ayaa saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zinadine Zidane oo 45-jir ah, balse ay ahayd go’aankiisii ugu dambeeyay.

Ugu dambeyn, Kooxda Real Madrid ayaa shan maalmood ka hor waxay ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub, iyadoo ka adkaatay kooxda Liverpool oo ay kama danbeysa (Final) isugu yimaadeen.

PUNTLAND POST