Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Puntland oo ka dhacay Garoowe

Caawa waxaa isugu soo baxay fagaaraha ay caanka ku tahay Garoowe ee (Barxadda) dadweyne u badan haween iyo dhalinyaro taageersan dagaalka ciidanka Puntland kula jiraan ciidamada maamulka Somaliland xilli colaad labada dhinac u dhaxaysa ay ka jirto deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.

Qaar ka mid ah haweenka mudaharaadaya oo la hadlay warbaahinta ayaa u jeediyay madaxda maamulka Somaliland hadalo dhiilo colaadeed huwan, waxayna sheegeen inay ku garab taagan yihiin Dowladda Puntland iyo Ciidankeeda dagaalka ka socda Tuka-raq.

Sidoo kale dadka banaanbaxa caawa ka dhigay Garoowe ayaa fariimo u direy shacabka magaalada Laascaano oo ay sheegeen inay yihiin dad dulmi iyo caburin uu ku hayo maamulka Somaliland oo ay ku eedeeyeen inuu in muddo ah wadey qorshe ku saabsan dhul balaarsi iyo daandaansi dagaal.

Waa banaanbixii ugu horeeyay oo shacabka Garoowe ay kusoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan colaada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee iminka ka jirta deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST