Tartan Kubada cagta ah oo u socday Ciidamada Badda Puntland oo la soo gabagabeeyey

Bosaso [Puntland Post] Tartankan kubada cagta ee bisha Ramadaan ayaa loo qabtay toban kooxood oo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada Badda Puntland .

Tartankan oo lahaa wareegyo kala duwan ayaa waxa ugu danben iskugu soo haray ciyaartii ugu danbeysay koox ku ciyaaraysay magaca Imaaraadka iyo kooxda waaxda tababarada ee ciidamada Bada Puntland.

Ciyaartan oo ahayd mid xiiso badan islamarkaana ahayd ciyaartii ugu danbeysay koobkan waxaan ka soo qeyb galay Gudoomiyaha gobalka Bari, kan Degmada Boosaaso, iyo saraakiisha ciidamada Badda ee Puntland.

Gudoomiyaha tartanka Cabdirisaq Xuseen Carcar oo ugu horayn ka hadlay goobta ayaa sharaxay mudadii uu tartanku socday .

“Tartankan waxa lagu bilaabay toban kooxod waxaa ka soo haray labo kooxood oo ku kala ciyaarayey magacyada Imaaraadka iyo kooxda waaxda tababarka ee ciidamada Bada Puntland. Taratankan oo lahaa xiiso gaar ah ma jirin wax dhibaato ah oo ka dhacay inta uu socday dhamaan kooxihii ciyaarayeyna waxa ay soo bandhigeen ciyaaro wnaagsan . Ugu danben waxa koobka ku guuleystay kooxdii ku ciyaaraysaya magaca Imaaraadka” sidaas waxa yiri Gudoomiyaha tartanka kubada Cagta ee ciidamada Bada Puntland Cabdirisaaq Xuseen Carcar.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceysa [dhado] ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay  in ay soo bandhigaan ciyaar wanagsan kooxahan iskugu soo haray koobka ugu danbeyna ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca Imaaraadka.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa madaxada sare ee ciiidamada Bada Puntland sida wanagsan ay dhalinyaradan ay koobkan ugu fureen. Ciidamada Badda Puntland waa garbahaygii waa ciidan aan si dhaw aan u wada shaqeyno waa ciidan ka qeyb qaata amaanka magaalada Bosaso. Waxaan ugu danben ugu hambalyeynayaa kooxdii ku guuleysatay koobka oo ku ciyaarayasay magaca Imaaraadka”, sidaas waxa goobta ka sheegay Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado] Gudoomiyaha Gobalka Bari,.

Ugu danbeyn kooxdii koobka qaadaay ayaa waxa la gudoonsiiyey abaal marino iyo sida oo kale koobkii ay ku guuleysteen, halka kooxdii kaalinta labad gashayna iyagana la gudoonsiiyey bilado.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso