Madaxweynaha Puntland iyo wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo kulmay

Cabdiwali Gaas iyo Peter De Clercq

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaninayo ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter De Clercq ayaa maanta ku kulmay magaalada Garowe.

Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayay Peter De Clercq ayaa sida la sheegay kawada hadlay arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada watay iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay Soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland wafdigan, wuxuuna sheegay in ay Puntland wada shaqayn dhow la leedahay hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala geeska Afrika iyo guud ahaanba dalalka caalamka.

Dhanka kale ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter De Clercq ayaa sheegay in ay Puntland u yimaadeen sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii saameeyeen.

Sidoo kale Peter De Clercq ayaa sheegay in ay soo mareen Somaliland oo duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba ah ay u geysteen.

Wadtigan uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan UNSOM iyo UNDP.

Lama oga in wafdigan ka socda Qaramada Midoobey ay madaxda Somaliland iyo Puntland kala hadleen iyo in kale colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee dhaxaysa labada maamul.

Qaramada Midoobey ayaa horey kulamo kala qaadatay madaxda Puntland iyo Somaliland colaada Tukaraq, iyadoo ugu baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

PUNTLAND POST