Puntland oo sheegtay in wax gorgortan ah ka galeyn deegaamadeeda Dastuuriga ah

Puntland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ahaa in ay kawada hadleen Cabdiwali Gaas colaada Tukaraq.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa  lagu sheegay in Madaxweyna Puntland Cabdiwali Cali Gaas uusan wax gorgortan ah ka galeyn deegaamada Dastuuriga ah ee Puntland, sidoo kalana aysan bixin karin Dowladda Federaalka Soomaaliya dhul Puntland ah.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in beesha caalamku Somaliland u sheegtay in ay dib uga baxaan deegaanka Tukaraq, balse  Muuse Biixi ku dooday in uu tegayo xuduudkii Ingriisku siiyay.

Puntland ayaa sheegtay in Muuse Biixi markii uu waji gabax kala kulmay ciidamada Puntland uu bilaabay in uu ku celceliyo waxaa na soo weerartay Dowladda federaalka Soomaaliya, nabada uu sheegayana ay tahay hadal meel waayay.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran

PUNTLAND POST