Warbixin: Tartan kooxeedka ugu weyn caalamka oo caawa soo xirmaya

Indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta Dunida ayaa caawa ku sii jeeda magaalada Kiev ee xarunta Ukraine, halkaas oo lagu soo xirayo tartanka xiisaha iyo xamaasada badan horyaalada kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga.

Tartankan waxaa caawa mid kood ku guuleysan doonaa kooxaha Real Madrid iyo Liverbool oo soo gaaray ugu danbeyta tartankan, Real Madrid waxay u hanqal taageysaa in sanadkii 3-aad oo xiriir ah iyo markeedii 13-aad qaado, halka Liverpool ay dooneyso in ay ku guuleysato markeedii 6-aad muddo 13 sano ah kadib.

Real Madrid waa koox ciyaartoydeedu waayo aragnimo badan ka heystaan tartanka Champions league-ga, halka Liperpool ay ciyaartoydeeda ka muuqato firfircooni dheeriya.

Cristiano Ronaldo waa kan ugu weyn ee laga cabsado marka ay noqoto in la wajaho Real Madrid waana kan ugu goolasha badan tartankan, 15 gool ayuu ka dhaliyay xili ciyaareedkan tartankan, sidoo kale waa dhaliyaha goolasha ugu badan ugu danbeynta (Final) tartankan wuxuuna dhaliyay 4 gool, waana ciyaaroyga hadda ugu wanaagsan Dunida.

Wiilka reer Masar Mohamed Salah oo indhaha caalamka soo jiitay sanadkan ayaa safan doona kulankii waayihiisa ciyaareed ugu muhiimsanaa kaas oo ah ugu denbeynta (Final) tartanaka Champions league-ga, Mohamed Salah waxa uu xili ciyaaredkan kooxdiisa Liverpool u dhaliyay 44 gool, 10 kamid ah goolashaas waxa uu ka dhaliyay tartankan, sidoo kale  wuxuu ku soo guulaystay abaal marin kasta oo muhiim ah oo laga bixiyo horyaalka Premier league-ga ee Egland.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa tartanka Champions league-ga, ku kulmay 5 jeer,  3 jeer Liverpool ayaa adkaatay 2 jeerna waxaa guuleysatay Real Madrid.

Guuldaradii u dambeysay ee Real Madrid kasoo gaartay ugu danbeyta (Final) tartankan Champions League-ga waxay kala kulmeen Liverpool May 27th 1981-dii markaas oo looga adkaaday 1-0.

Real Madrid waa kooxda ugu badan ee tartankan hanatay waxayna ku guuleysatay 12 jeer, halka Liverpool ay mataan la tahay Barcelona iyo Bayern Munich  oo kuwada guuleystay 5 jeer, waxaana ka sareeya marka laga tago Real Madrid kooxda AC Milan oo ku guuleysatay 7 jeer tartankan.

Labada tababare ee kooxahan Zinedine Zidane iyo Jurgen Klopp oo markii ugu hreysay kulmaya ayaa kulankani u leeyahay mid walba xiiso gooniya, Zidane ayaa mudadii uu tababaraha ahaa ka soo muuqday 7 kulan oo ugu danbeyn ah (Final), waxaana layaab noqotay in uu wada guuleystay, halka Klopp 6 kulan oo ugu danbeyn ah (Final) gaaray, balse nasiib xumo 5 kamid ah  looga guuleystay.

Real Madird ayaa heysata kooox dhameystiran oo taam ah, iyadoo aysan jirin ciyaartoy dhaawac ama ganaax uga maqan, halka Liverpool ay dhaawacyo uga maqan yihiin xiddiga khadka dhexe Oxlade-Chamberlain iyo daafacyada Joe Gomez iyo Matip.

Kulanka ayaa caawa dhici doona  marka ay saacada geeska Afrika tahay 9:45pm, wuxuuna ka dhacayaa garoonka NSC Olimpiyskiy ee magaalada Kiev ee dalk Ukraine, waxaana garsoore ka noqon doona Milorad Mazic oo u dhashay dalka Serbia.

Amaanka magaalada Kiev ayaa si aada loo adkeeyay iyadoo laga baqayo in ay dhacaan falal amni daro, Jawiguna waa mid macaan oo roobaad.

PUNTLAND POST

Garowe