Puntland oo Somaliland ku eedaysay dagaalka dib uga qarxay Tukaraq.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay soo weerartay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda hore ee degaanka Tukaraq.

Xukuumadda Puntland ayaa caddaysay in mas’uuliyadda dagaalkaas ay qaadayso Somaliland oo duullan joogta ah ku haysa degaannada Puntland,sida War-saxaafadeedka lagu xusay.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale dadweynaha ku wargelisay in ay garab istaagan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Somaliland,waxaana si gaar ah loogu boorriyay shacabka gobolka Sool in ay u diyaar garoban difaaca dalkooda iyo karaamadooda.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka.

PUNTLAND POST