Dagaal ayaa dib uga bilowday degaanka Tukaraq

Wararka soo gaaraya Puntland Post ayaa sheegaya in degaanka Tukaraq uu saaka ka bilowday dagaal laysku adeegsaday madaafiic.

Ciidamo ka kala socda Puntland iyo Somaliland ayaa halkaa mudo isku horfadhiyey wuxuuna degaankaasi ahaa mid colaadu saamaysay.

Maalmihii ugu dambeeyey labada ciidanba waxa ay ahaayeen kuwo fariisamahooda xoojinayey.

Wixii dagaalkas ka soo kordha kala soco wararkayaga dambe.

Puntland Post

Aaga Tukaraq.