Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan Ku Leh Muqdisho

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah Taariiqduna ay ku beegantahay 23-ka May kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulankaan ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa shir gudoomin doona Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha kulanka maanta Xildhibaanada kulankooda ay uga hadlayaan  ayaa ah ka doodista hindise sharciyeedka xaqsiinta ciidamada dowlada Soomaaliya.

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horgeeyn doono Sharcigaan fadhiga Baarlamaanka ee Maanta.

Hindise sharciyeedka xaqsiinta ciidamada dowlada Soomaaliya oo guddiga uu wax ka badal uu ku sameeyay, ayaa kulanka xiga waxaa la marsiin doonaa akhrinta Seddexaad.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho