Somaliland oo amarro adag ku soo rogtay shacabka gobolka Sool

Somaliland ayaa amarro adag ku soo rogay shacabka gobolka Sool, gaar ahaanna magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi.

Wareegto ka soo baxday guddiga Golayaasha Somaliland oo lagu socod-siiyay laamaha Amniga ee Somaliland ugu magacaaban gobolka Sool ayaa gebi ahaanba lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada Laascaanood,marka laga reebo ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan,sidoo kale shacabka degmadaasi ku dhaqan ayaa lagu wargeliyay in aysan qabsan Karin wax shirar ah oo aan la soo ogaysiin mas’uuliyiinta Somaliland ee gobolka.

Awaamiir ka kooban lix qodob ee uu soo saaray guddigaan ayaa dhinaca kale shacabka degmada Laascaanood looga digay in ay sameeyaan wax kacdoon  ah oo lagu diiddanyahay maamulka Somaliland,waxaana amar lagu siiyay in ay gawaarida ku xidhan taarikada Somaliland,iyadoo tallaabo adag loogu hanjabay cid kasta oo jebisa  qodobada warqaddaan ku xusan.

Go’aannada ay soo saartay Somaliland ayaa ku soo beegmay maalmo uun kadib markii qaar kamid ah cuqaasha gobolka Sool ee ku sugan magaaalada Laascaanood ay maamulkaas ugu baaqeen in uu ka baxdo degaannada uu ka joogo gobolka,islamarkaana ay madaxweyne Biixi ku eedeeyeen in uu colaad ka hurinayo magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba gobolka Sool.

Dhinaca kale go’aannadan ayaa ku soo aaday xilli maanta dowladda Puntland ay awaamiir adag ka soo saartay mas’uuliyiinta iyo ciidamada u dhashay gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan Somaliland,iyadoo Puntland ay sheegtay in dil-toogasho ah lagu fulinayo,hantidiisana ay dowladdu la wareegayso qofkasta oo lagu helo in uu gacan-siiyay Somaliland.

Halkaan ka daawo muuqaalka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar