Arsenal oo tababare cusub yeelatay kaddib markii uu ka tagay Wenger

Tababaraha cusub ee Unai Emery

London (PP) ─ Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u yeelatay tababare cusub, kaddib markii uu ka tagay tababarahoodii hore Arsene Wengar oo soo laylinayay kooxda muddo 22-sano ah.

Tababarihii hore ee Kooxda PSG iyo Sevilla oo ka kala dhisan dalalka Spain iyo Faransiiska, Unai Emery ayaa si rasmi loogu magacaabay tababbaraha cusub ee Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal.

Twitter-ka Kooxda Arsenal ayaa lagu shaaciyay in Tababare Unai Emery uu yahay macallinka cusub ee Kooxda, isla markaana uu hormar weyn kusoo kordhin doono kooxda oo muddooyinkii dambe uu ku yimid hoos-u-dhac.

Macallin Unai Emery ayaa laga dhex-xushay tababarayaashii u sharaxanaa inay layliyaan kooxda Arsenal, waxaana saacadihii u dambeeyay uu ahaa ninka loogu hadal heynta badnaa.

Sidoo kale, Mikel Arteta oo horay ugu soo cayaaray Kooxda Arsenal ayaa markii hore loo waday in loo magacaabay, balse khibraddiisa shaqo ayaa waxaa ka hor-yimid maamulka sare ee Kooxda The Gunners.

Dhanka kale, Tababare Unai Emery ayaa horay u soo Tababbaray Sevilla, isagoo saddex jeer isku xiga u qaaday koobka Europe League, sidoo kale wuxuu soo tababaray oo uu dhawaan kasoo tagay Kooxda PSG oo uu kula guuleystay Horyaalka League 1 iyo labo Koobka Faransiiska iyo kan Super Copa.

Ugu dambeyn, Kooxda Arsenal oo muddooyinkii dambe hoos u dhac dhanka cayaaraha ah uu lasoo darsay, ayaa waxaa la filayaa inuu isbedel weyn ku yimaado xilli cayaareedka soo socda, inkastoo sannadkan aysan ka qayb-geli doonin koobka kooxaha Yurub ay ku hardamaan ee UEFA Champions League oo sidoo kale ay sannadkan aysan ka qayb-gelin.

PUNTLAND POST