Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Afgooye (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa qarax is-miidaamin ah lagula beegsaday koontaroolka Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ka yimid saldhigga ciidamada ee Balli-doogle kuna socday Muqdisho.

Kolonyada gaadiidka ah ayaa la sheegay inay soo gaartay khasaare aad u xooggan, inkastoo aan la ogeyn inta uu le’g yahay, waxaase dad goobta ku sugna ay sheegeen inay dhinteen askar iyo dad shacab ah oo goobta ka dhawaa.

Goobjoogayaal la hadlay warbahinta aya asheegay in maydadka lix qof ay goobta ku arkeen, dhaawacyo dhawr ah ay jiraan, waxaana ciidamadan lala beegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Weerarka ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa durba sheegatay kooxda Al-shabaab, iyagoo warar ay baahiyeen ku sheegay inay ku dileen tobaneeyo ka mid ah askarta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidankii weerarka ka badbaaday ayaa goobta oo dhan xiray, isla markaana ma jirin wax iska-horimaad ah oo qaraxa kaddib dhacay, balse waxaa jirta cabsi weyn oo goobta laga dareemayo.

Kooxda Al-shabaab ayaa marka la gaaro bisha Ramaaan waxay kordhiyaan weerarrada ay ka geysanayaan deegaannada ay dowladda Somalia xukunto oo ay ku jirto Muqdisho oo xalay ay dilal kala duwan ka dhaceen.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin khasaaraha qaraxaan kasoo gaartay kolonyadii ciidamada dowladda Somalia ee la weeraray, iyadoo weerarkan uu imaanayo xilli uu muran adag u dhexeeya maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka ah.

Wixii kasoo kordha qaraxan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda.

PUNTLAND POST