Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay London

Koox Tooreey ku hubeeysan ayaa magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ku dishay labo muwaadin oo Soomaaliyeed.

Dilka Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa ka dhacay bartamaha magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Booliska ayaa sheegay in ay baadigoobayaan burcadaasi dilka u geystay muwadiniinta Soomaaliyeed.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cusman Shidane oo 20-jir ah iyo Cabdiraxmaan Jaamac oo 24-jir ah.

Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku soo badanaya gudaha dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post