Jaaliyadda Puntland ee dalka Mareykanka oo xaflad kusoo dhaweysay Gudoomiye Shuuqe

Jaaliyadda Puntland ee dalka Mareykanka ayaa kulan afur iyo soo dhaweyn isugu jira magaalada Minneapolis ugu sameeyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe) oo indhawaale socdaal ku maraya cariga Mareykanka,waxaana kasoo qeybgalay xafladdaas xubno ka tirsan masuuliyiinta Jaaliyadda,Aqoonyahano,Haween iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Minneapolis.

Qaar ka mid ah dadka ka hadlay kulanka ayaa ka warbixiyay baahida ay u qabaan akhbaar inay ka helaan xaaladda wadankooda,waxayna sidoo kale uga warameen Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland waxqabadka jaaliyadda iyo dadaalkooda ku saabsan horumarinta dadka iyo dalkii ay ka yimaadeen.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar oo ugu dambeyntii soo xirey kulanka afurka ee uu la qaatey jaaliyadda ku nool Minneapolis ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen intii uu ku guddo jirey safarka uu ku tagey dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka fahmay xog iswareysi kala duwan dhexmarey isaga iyo Jaaliyadda.

Daawo xafladda soo dhaweynta.

Abshir Dhiirane.

PUNTLAND POST.