R/W Khayre oo booqday dadkii ka badbaaday roobabkii iyo daadadkii ku dhuftay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer ku tegay degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta-nabadda, Hodon iyo gooba kale oo roobabkii Muqdisho ka da’ay ay biya dhigeen, isaga oo sidoo kale tegay xarumaha la dejiyay dadka laga soo daad gureeyay goobaha ay biyuhu fariisteen.

Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen Wasiirka amniga, taliyaasha ciidanka iyo maamulka Gobalka Benadir, ayaa waxa uu xog wareestay qaar kamid ah dadkii laga soo badbaadiyay xaafadaha ay biyuhu ku rogmadeen, waxa uuna faray guddiga loo xil saaray gurmadka in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu badbaadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay roobabka.

Wasiirka amniga gudaha XFS, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), oo ka war bixiyay Kormeerka ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay Qoysaska dadkii ku dhintay guud ahaan dhibaatada daadadka, waxa uuna sheegay in ujeeda kormeerka uu ahaa in loo gurmado qoysaska roobabku ay dhibaatada u geesteen.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in la sameeyay guddi dhibaatada la tacaala oo saldhiggoodu yahay xarunta maamulka Gobalka Banaadir, waxa uuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gurmadka.

Ugu dambeyn, Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in ciidanka qalabka sida ay ka qeyb qaateen badbaadinta Shacabka daadaku kusoo rogmadeen, waxa uuna caddeeyay in ay sii wadayaan howlaha badbaadinta.

PUNTLAND POST