Puntland oo amaro kasoo saartey isu socodka Laascaano iyo Garowe.

Qoraal kasoo baxay guddiga difaaca Puntland ayaa lagu amrey laamaha kala duwan ee booliska inay fuliyaan amaro ku saabsan isu socodka wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Laascaano gaar ahaan goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.

Qoraalka guddiga ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in la xanibo gadiidka shidaalka sida ee isaga kala goosha Laascaano iyo Garowe, iyo in gabi ahaanba laga celiyo shacabka u socda ama tagaya goobaha colaadu ka jidho.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo heshay nuqul ka mid ah qoraalka kasoo baxay guddiga difaaca Puntland ayaa u qornaa sidatan hoos ku cad.

Xaaladda ka jidha deegaanka Tuka-raq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa laga dareemayaa saansaan colaadeed, Iyadoona laga cabsi qabo dagaalo qaraar oo ka dhex qarxi kara labada dhinac xilli kasta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST