Keenyaanka Qurbo-joogta ku ah Afrika oo la sheegay in intooda badan joogaan Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo ayaa sheegay in Qurbo-joogta ugu badan ee Kenyaanka ah ee Qaaradda Afrika ku sugan ay joogaan Soomaaliya, halkaasoo intooda badan ay ka shaqeystaan.

Danjire Tumbo ayaa sheegay in 35,000 qof oo Keenyaan ah ay xilligaan ku sugan yihiin Soomaaliya ayna qaarkood ku leeyihiin ganacsiyo halka kuwo kalena ay ka xoogsadaan goobo kala duwan.

Sidoo kale, safiirka ayaa amaanay hawlaha ay ciidanka AMISOM ka fuliyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii ciidamada AMSIOM aysan joogi lahayn dalka Soomaaliya aysan xaaladdu sidan ahaateen.

“Ciidamada AMISOM wax badan ayay qabatay isbedel badan ayaana dalka ka muuqda, hadda in kabadan 80% Soomaalida dibada ku maqneyd way soo guryo-laabanayaan, waxaana Soomaaliya naga jooga Qurbo-joogta ugu badan ee Kenya ka jooga Afrika, kuwaasoo gaaraya 35,000 oo qof,” ayuu Lucas Tumbo ku sheegay wareysi uu siiyay wargeys Kenya kasoo baxa.

Dhanka kale, Danjiraha oo faahfaahin ka bixinayay Qaybaha ay ku kala nool yihiin Qurbo-joogta Kenyaanka ah ee Spmalia ku sugan ayaa wuxuu sheegay in 18,000 oo ka mid ah ay ku nool yihiin Hargeysa, 10,000 ay Jubbooyinka ku nool yihiin, 3,000 oo Muqdisho ku sugan iyo kuwo ku sugan deegaanno kale oo Soomaaliya ah.

Hadalka danjiraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo sannado ka hor ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka musaafurisay Muqdisho dhamaadkii 2015-kii 27 Keenyaan ah oo la sheegay inay sharci-darro ku joogeen Soomaaliya.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo fara badan oo qayb ka ah kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale ay ka mid tahay dalalka safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana safaaraddoodu ku taallaa Xalane oo ah xarunta AMISOM.

Ugu dambeyn, Waana markii ugu horreysay oo dowladda Kenya ay daboolka ka qaaddo Keenyaanka ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood shaqaale ka ah Hodheellada iyo goobaha ganacsiga, kuwo kalena la sheegay inay ganacsi madax-bannaan ku leeyihiin Soomaaliya.

PUNTLAND POST