Gudoomiyaha TPEC Puntland oo kulan la qaatay Duqa magaalada Minneapolis.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe) oo indhawaale socdaal ku marayay cariga dalka Mareykanka ayaa maanta kulan la yeeshay Duqa magaalada Menneapolis Jacob Frey xarunta Gobolka Minnesota, waxaana ku wehliyay kulanka labada dhinac xoghaynta Mayarka Cabdi Saalax.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa sheegay kulankooda inay uga wada hadleen saddex qodob sida xoojinta mataaneyntii magaalooyinka Bosaso iyo Menneapolis,sidey isugu xirmi lahaayeen guud ahaan dadka ku nool Gobolka Mennesota iyo Mandiqada Puntland iyo Caawinta geedi socodka nidaamka asxaabta badan ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaas ku darey Gudoomiye Shuuqe inuu u gudbiyay caasumaad ku saabsan sidii uu usoo booqan lahaa Puntland Mayorka magaalada Minneapolis, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweeyay dhamaan qodobadii looga wada hadlay kulanka.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST