Buundadii Buulo Barde oo fahaatada biyo ay Xireen

Biyaha fataahada Gobolka Hiiraan ayaa xiray Buundada isaga kala gooshta magaalada Buulo Barde ee xarunta labaad ee Gobolka Hiiraan.

Biyaha Wabiga ayaa Buundada gudaha u soo galay iyaga oo dadkana ay cabsi ka muujinayaan iyaga oo sheegay in ay ka cabsanayaan bahalo laga yaabo in ay biyaha soo raacaan.

Dhanka kale shacabkii magaalada Buulo Barde ayaa qaarkood ka barakacay guryihii ay ku sugnaayeen kadib markii wabiga uu fatahaad sameeyay, shacabka ayaa codsanaya in la la soo gaaro gurmad deg deg ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post