Hoggaamiyaha Al-shabaab oo weerar afka ah ku qaaday Madaxda DFS, Imaaraadka iyo…

Muqdisho (PP) ─ Hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab ee Soomaliya, Axmed Cumar Abu-Cubeyda ayaa hadal uu jeediyay ku weeraray dowladda Soomaaliya ee ay hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Khayre, wuxuuna ku tilmaamay inay doonayaan inay dalka u gacan-geliyaan Itoobiya oo uu ku tilmaamay cadow soo jireen ah.

Abu-Cubeyda ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo dowladda Soomaaliya ay si aad ah u adkeysay ammaanka si ay uga hor-tagto weeraro kaga yimaada ururka Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayayay inay af-gambiyaan dowladda uu caalamku taageersan yahay.

“Madaxda dalka waa kuwo calsooshood u shaqeystayaal ah oo shuruucda ay dajiyaan dalka u horseeday inuu galo maxmiyad iyo in dhulkii uu beylah u noqdo cadowga ummadda. Waa mas’uuliyiin waddanka u gacan-gelinaya cadowgeenna soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waxayna dadaal ugu jiraan sidii ay u hir-gelin lahaayeen hanka siyaasadeed ee gumeystuhu ka damacsan yahay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah,” ayuu ku yiri Hoggaamiyaha Al-shabaab hadalka uu jeediyay.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu afka ku weeraray Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay laba dowladood oo cadow ah oo doonaya inay dhaqaalaha dalkan si dadban ku qaataan.

“Turkiga oo qayb ka ah ururka NATO ayaa ku takrifalaya dhaqaalaha Dalka, wuxuu gacanta ku dhigay Dekedda iyo garoonka diyaaradaha, wuxuu dalka ka hir-galiyay saldhig ciidan oo uu ku ilaashanayo boobka dhaqaalaha dalka, waana saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan ee uu Dunida ku leeyahay. Turkiga waa Dalka hadda Itoobiya ka taageeraya mashruuca biyo-xireenka An-Nahda,” ayuu mar kale yiri Hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab.

Hoggaamiyuha Al-shabaab waxa uu intaas ku daray in Dowladda Imaaraadka Carabta ay dagaal adag ugu jiro in ay gacanta ku dhigto dekedaha ka baxsan Muqdisho iyo sidii talisyo ciidan ugu yeelan lahayd Badda Cas. Wuxuuna labada dal ku eedeeyay inay Soomaaliya ka sameysteen ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo iyaga ka amar-qaata.

Dhanka kale, Abu-Cubeyda ayaa ka hadlay Xaalada waddanka, gaar ahaan khilaafkii hareeyay Baarlamaanka Soomaaliya, duulaan uu sheegay inay soo qaadeen dalalka Turkiga iyo Imaaraadka iyo dagaalka ay ciidanka AMISOM kula jiraan.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay in wiiqeen awoodii AMISOM, isla markaana ay haatan ku go’doonsan yihiin xeryaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, ayna muddo saddex bilood gudahood ah uga dileen in ka badan 200 oo askari, ayna dagaalka sii wadi doonaan, waa sida uu yiri.

PUNTLAND POST