Puntland oo Somaliland ku eedaysay in ay gabbaad u tahay Al-shabaab iyo Daacish

Puntland ayaa Somaliland ku eedaysay in ay gabbaad u tahay ururada Al-shabaab iyo Daacish ee dhibaatada baahsan ku haya xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Somaliland ay agab-dagaal siiso malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana u soo gudbiso dhinaca buuraleeyda Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa dhinaca kale Somaliland ku eedaysay,in ay soo qortay warqad been abuur ah oo lagu sheegayo in madaxweyne Gaas uu dagaalkii Tukaraq warbixin ka siiyay, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqadda lagu been abuurtay madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in uu dagaalka Tukaraq taageero uga dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran

PUNTLAND POST