Golaha Xukuumadda Puntland oo yeeshay shir deg deg ah, maxaa ka soo baxay?

Shir deg deg ah oo ay maanta yeesheen Golaha Xukuumadda Puntland uuna shir guddoominayay Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa looga hadlay dagaalka Puntland iyo Somaliland iyo shirkii dowlad goboleedyada ee Baydhabo.

War-murtiyeed ka soo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in Puntland u diyaar garoobeyso dagaal waqti dheer qaadan doona oo lagu difaaci doono dadka iyo dalka.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in shacabka Puntland ay garab istaagaan ciidamadooda iyo dowladooda, maadaama lagu soo duulay dalkooda iyo sharaftooda, sidoo kale shacabka Sool ayaa loogu baaqay in ay garab istaagaan ciidankooda una istaagaan xoreynta dhulka maqan.

Dhanka kale Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ka hadlay shirkii dowlad goboleedyada ee Baydhabo, waxaana  warbixin ka siiyay Madaxweyne Gaas oo sheegay in shirkaas ahaa xoojinta xiriirka dowlad goboleedyada, uuna ku soo dhamaaday guul iyo sidii loo xoojin lahaa hanaanka Federaalka.

Shirkan deg deg ah ee ay yeesheen Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo Jawiga Gobolka Sool u muuqdo mid ku jira xaalad dagaal oo xilli kasta la filan karo dagaal ka dhex qarxa Putland iyo Somaliland  oo ciidankoodu is-horfadhiyo.

Hooska ka akhriso War-murtiyeedka shirka

PUNTLAND POST