Madaxweyne Gaas oo Isbitalka ku booqday dhaawacyada ciidanka difaaca Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta Isbitalka guud ee magaalada Garoowe ku booqday dhaawacyadii ciidanka difaaca Puntland ee dagaalkii Tukaraq.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha xukuumadda iyo saraakiil ka socotay Madaxtooyada ayaa mid-mid u booqday dhaawacyadii ciidamada dowladda Puntland ee waxyeelladu ka soo gaartay dagaalkii maalmo ka hor Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhaawacyada oo haatan lagu dabiibayo Isbitalka guud ee caasimadda Garoowe ayaa madaxweyne Gaas,si naxariis leh ula qabysaday dareenkiisa ku aaddan xaaladda ay ku sugan yihiin,isagoo xasuusiyay in ay jidka toosan ee xaqa ah haystaan,maadaama ay dalkooda hooyo u dhaawacmeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u duceeyay ciidamadan ku dhaawacmay difaaca dalka,isagoo Ilaahay uga baryey caafimaad deg deg ah,halka intii dhimateyna uu naxariis Alle u durraantay(baryey).

Dhinaca kale mas’uuliyiinta Isbitalka guud ee Garoowe ayaa madaxweynuhu ku boorriyay in ay mudnaan gaar ah siiyaan daryeelka geesiyaashan u dhaawacmay difaaca dadka iyo dalka Puntland

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise