Tukoraq: Puntland oo dib uga soo baxday goobo ay shalay ka qabsatay Somaliland

Warar madax banaan oo ay warbaahinta PUNTLAND POST ka helayso Aaga Tukoraq oo shalay dagaal culus ku dhexmarey ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in maanta xaaladda labada dhinac degan tahay oo aanu jirin jawi dagaal.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tukoraq ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay dib uga ruqaansadeen subaxnimadii horre ee maanta ciidamo ka tirsan Puntland saldhigyo ay galinkii dambe ee shalay ka qabsadeen Somaliland sida Buundada magaceeda la yiraahdo kun jeer aniga ku jecel iyo buurta laba madaxleey oo dagaalkii shalay looga qabsadey Ciidanka Somaliland.

Faahfaahin rasmiya lagama hayo sababta ciidanka Puntland uga laabteen goobo kaabiga ku haya magaalada Tukaraq oo ay ku qabsadeen dagaalkii shalay dhexmaray ciidanka Somaliland.

Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya ciidanka Somaliland inay isla maanta kusoo fideen goobaha ay si nabadgalyo ah uga baxeen ciidanka Puntland.

Sidoo kale waxaa maanta soo gaarey Tukaraq wafti wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland kuwaas oo wararku sheegayaan inay halkaas ku qabteen shir jaraa’id oo ay kusoo bandhigayaan guulo ay sheegeen ciidankoodu inuu ka gaarey dagaalkii shalay sida gadiid ciidan oo laga qabsadey Puntland iyo waxyaabo kale.

Jawiga Tukoraq ayaa u muuqda mid ku jira xaalad dagaal oo xilli kasta la filan karo dagaal labaad oo ka dhex qarxa labada ciidan ee isku horfadhiya.

Aaga Tukoraq

PUNTLAND POST