Madaxweynaha Jubbaland oo Dhaliil adag u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xilligan mashquul ku tahay arrimo aan aheyn howshii laga sugayay inay wax ka qabato.

Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay shirkii madaxda maamullada dalka uga furmay Baydhabo ayaa sheegay in illaa iyo hadda aanay dowladda u diyaar garoobin qorshihii amniga dalka loogala wareegi lahaa AMISOM, isla markaana la diyaariyo ciidan Soomaaliyeed.

“Waxaa aad loogu mashquulsan yahay doorashada dhacaysa 2020-ka – cida imaanayso, qaabkii doorashada u dhici lahayd iyo waddadii loo mari lahaa, doorashada 2020-ka, wax badan ayaa ka horeeya oo la rabo in la qabto,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in waxyaabaha horyaala ee u dhaxeeya in la qabto 2016-ka iyo 2020-ka inay xaqiijiso wax ka qabashadeeda iyo hirgelinteeda.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in hadda laga fikirayo sidii Aqalka Sare madaxdooda loo ridi lahaa, maamul goboleedyada qaarna hoggaanadooda meesha looga saari lahaa, taasna aanay aheyn mid wax dhisaysa.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dowladda ku mashquulsan yahay baraha bulshada sida Facebook-ga, wax ka sheegida madaxda qaar.

Haddaba: DAAWO: Khudbaddii Axmed Madoobe uu ku dhaliilay Dowladda Somalia;

PUNTLAND POST