Faahfaahinta: Khasaaraha dagaalkii Puntland iyo Somaliland

Beebbe laga qabsaday Somaliland

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Somaliland maanta ku dhex-maray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka oo saaka ka qarxay nawaaxiga degaanka Turaraq ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac sida ay xaqiiijiyeen mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland oo saxaaafadda la hadlay.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in dagaalkan looga dilay 2 askari,halka lix kalena looga dhaawacay,sida lagu xusay war ka soo baxay taliska ciidamada Puntland.

Sidoo kale dowladda Puntland ayaa sheegtay in dhimasho iyo dhaawac badan la gaarsiiyay ciidamada Somaliland ee dagaalka soo qaaday,islamarkaana gaadiid dagaal iyo hub laga qabsaday.

Maamulka Somaliland oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray dagaalkii maanta,balse faahfaahin dhammaystiran kama aysan bixin.

Taliyaha ciidamada Somaliland oo shir jaraa’id ka hadlayey ayaa sheegay sidoo kale in ay Puntland dagaal ku soo qaadday,haye yeeshee ay iska caabiyeen,islamarkaana gaadiid dagaal ka qabsadeen.

Warar madax-bannaan halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhimashada dhinaca ay Puntland ay tahay ilaa 14 askari,halka Somaliland ay gaarayso in ka badan 24 askari oo ay ku jiraan saraakiil sare.

wararka ayaa sidoo kale tilmaamayaa in Puntland laga gubay laba kamid ah gaadiidka dagaalka,laba kalena laga qabsaday,halka Somaliland laga qabsaday saddex kamid ah gaadiidka dagaalka.

Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST