Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay Gobolka Sool

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa saaka ka qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Daryanka madaafiicda labada dhinac isweydaar sanayaan ayaa laga maqlayaa meelihii ay is-horfadhiyeen ciidmada Puntland iyo Somaliland, waxaana kamid ah deegaanka Tukoraq.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ah mid culus oo ilaa 8-Janaayo ee sanadkan abaabulkiisu socday, markaas oo Somaliland weerar ku qabsatay Tukoraq oo Kastam u ahayd Puntland.

Somaliland waxay maanta xusi lahayd 18 May oo ah maalin ay xusto, taas oo ay soo hormarisay.

Wixii faahfaahin ah goordhow kala soco PUNTLAND POST.