Ciidamada Puntland oo qabsaday Tukaraq

Wararka haatan laga helayo deegaannadii maanta lagu dagaallamay ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay galabta la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ilo-madax-bannaan oo halkaasi ku sugan ayaa xaqiijiyey in ciidamada Puntland ay galabta gudaha u galeen deegaanka Tukaraq oo maanta dagaal culus ku dhexmaray labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Ciidamada Puntland ayaa haatan ku sugan gudaha iyo nawaaxiga Tukaraq oo in ka badan afar bilood  ay gacanta ku haysay Somaliland,waxaaana wararku sheegayan in ciidamadii Somaliland loo riixay dhinaca tuulada Gambara ee xigta Laascaanood.

Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST