Ururka Africa Development Organization Oo 16 Neef ku wareejiyay Gudiga wadada Ceeldaahir-Ceergaabo

Bosaso[Puntland Post]-Ururka dhallinyarada ee Africa Development Organization oo xaruntiisu tahay magaalada Bosaaso ee gobalka Bari ayaa 16 neef oo deeq ah  ku wareejiyey howl wadeenada ka shaqaya mashruuca dhismaha wadada isku xirta  Ceeldaahir-Ceergaabo oo hada uu dhismeheedu marayo meel gabo gabo ah.

Dhalinyaradan ku midayasn Ururka ayaa Mihiimadoodu waxa ay ahad sidii ay waxa ugu darsan lahayeen dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo .

Wareejinta deeqdan ayaa waxa ay ka dhacday xafiiska shaqaalaha wadada ee magaalada Midigale gobalka Sanaag.

Gudoomiyaha Ururka Cabdirisaq Aadan Shir iyo Ciise Maxamed Cali Xoghayaha Arimhaa Dibada Ee Ururka ayaa waxa ay sheegen in ay ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb qatan dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo waxana ay tilmaamen in deeqdan ayasna noqon doonini tii ugu danbeyesay oo ay Ururku aya ku taageeran shaqalaha gacanta ku haya wadada lakiin ay sii wadi doonan taageeradan.

Maxamed Axmed kulan Madax fulinta mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ayaa uga mahad celiyeye Ururka dhalinyarada ee Afrika Development Organization sida wanagsan ay u garab tagan yihiin dhameystirka wadada kana gudoomay deeqadan.