Shirkii Golaha Iskaashiga Maamulada Dalka oo goor-dhaw ka furmay Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa goor-dhaw ka furmay shirkii labaad ee Madaxda maamullada dalka ee la baxay golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyada, iyadoo shirkan uu kusoo beegmay xilli xasaasi ah.

Shirkaan, ayaa waxaa si rasmi u furay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha Dowladda Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad-goboleedyada.

Billowga shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedinaya madaxda dowlad-goboleedyada, waxaana intaas kaddib la guda-geli doonaa shirar albaabadu u xiran yihiin oo ay madaxdu kaga doodi doonaan qodobbo kala duwan.

Sidoo kale, Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad-goboleedyada waddanka ka jira ayaa u fadhiya diyaarinta war-murtiyeedka shirka laga soo saari doono.

Madaxda shirkan ka qayb-galaya ayaa kala ah; Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducalle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Iyadoo shirkan aysan goobjoog ka ahayn xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Shirka labaad ee Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada ayaa kusoo aaday iyadoo mar kale uu dib u soo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, kaasoo salka ku haya khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka Carabta.

Ugu dambeyn, Golahan oo markiisii hore lagu dhisay Kismaayo ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobbo ay ku mideysan yihiin maamullada dalka ka jira, inkastoo aan la ogeyn saameynta ay qodobbadaas yeelan doonaan.

PUNTLAND POST